速報APP / 生活品味 / Tafsiir Quraan MP3 Af Soomaali Quraanka

Tafsiir Quraan MP3 Af Soomaali Quraanka

價格:免費

更新日期:2018-09-26

檔案大小:3.4M

目前版本:1.5

版本需求:Android 4.0 以上版本

官方網站:https://al-quran.app/

Email:contact@al-quran.app

聯絡地址:隱私權政策

Tafsiir Quraan MP3 Af Soomaali Quraanka Kariimka(圖1)-速報App

Quraan, Qur'aan, Quraanka Kariimka (carabi: ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ; ingiriis: Koran) waa kitaabka Alle ﺍﻟﻠﻪ (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi MaxamedMohamed peace be upon him.svg (n.n.k.h), kaas oo ku qoran luuqada carabiga.

Tafsiir Quraan MP3 Af Soomaali Quraanka Kariimka(圖2)-速報App

Kitaabka Quraanka wuxuu saldhig u yahay diinta Islamka dhamaanteed.

Tafsiir Quraan MP3 Af Soomaali Quraanka Kariimka(圖3)-速報App

Quraanka kariimka ah waa hadalka Ilaahay (ﺍﻟﻠﻪ) kaas oo malaga Jibriil u soo gudbin jirey Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg (n.n.k.h) wakhti 23 sano ah, oo ku bilaabmaysa Diisembar 22keedii sanadkii 609 C.D (Ciise Dabadii), wakhtigaas oo nebigu ahaa 40 jir, ilaa markii taariikdhu ahayd 632 Ciise Dabadii, oo ku beegan sanadkii Nabi Maxamed Mohamed peace be upon him.svg (n.n.k.h) geeriyooday. Sidaa diinta Islaamku sheegtay kitaabka Quraanku waa midka ugu sareeya kitaabyada ee Ilaahay ka ilaalinayo khaladka iyo musuqmaasuqa isla markaana hogaan iyo hanuunin u ah dhamaan aadamaha ku nool dunida.

Tafsiir Quraan MP3 Af Soomaali Quraanka Kariimka(圖4)-速報App

Kitaabka Quraanka waxaa loo kala saaraa, guud ahaan, labo qeybood oo kala ah Makki (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebiga Mohamed peace be upon him.svg intii uu magaalada Makkah joogay) iyo Madani (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg wakhtigii uu magaalada Madiina deganaa). Intaasi kuma eeka qeybaha Quraanku ee waxaa kitaabku u sameeysan yahay nidaam loo yaqaano suurado, kuwaasi oo loo sii kala saaro aayado. Quraanku wuxuu ka kooban yahay boqol toban iyo afar Suuradood kuwaasi ooy ugu horeeyso suurada Al Faatixa (mahnaheedu tahay fur-furitaan ama "bilaabid") oo ka samaysan 7 aayadood ilaa laga gaadho suurada 114 ee Al-Naas (macnaheedu yahay dadka) oo ka kooban 6 aayadood.

Tafsiir Quraan MP3 Af Soomaali Quraanka Kariimka(圖5)-速報App

Kitaabka Quraanka ah dhexdiisa waxaa ku xusan dhamaan taariikhda, nolosha, tilmaamida iyo hogaanka, wixii horey u dhacay, waxa dhici doona, nolosha dunida, nolosha aakhiro, maalinta qiyaame iyo xisaabta, iyo dhamaan macluumaadka nooleha. Sidoo kale, Ilaahay (s.w.t) wuxuu ugu tallo-galay in kitaabku noqdo mid hogaamiya nolosha dadka. Suurad kasta iyo aayad kasta oo ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka ahi wax ayay tilmaamaysaa isla markaana faraysaa ama ka reebaysaa dadka.

Tafsiir Quraan MP3 Af Soomaali Quraanka Kariimka(圖6)-速報App

Wadajirka Quraanka iyo Xadiisku waa sharciga saxda ah ee Alle ugu tallo galay in aadamahu isku maamulaan, waxaana loo yaqaanaa Sharciga Shariicada.

Tafsiir Quraan MP3 Af Soomaali Quraanka Kariimka(圖7)-速報App

Intaasi waxaa dheer, Quraanka oo lagu akhrinayo luuqada carabiga ayaa waxa la akhriyaa wakhtiga la tukanayo salaadaha. Qofka xafida 114ta Suuradood ee Quraanka waxaa loo yaqaanaa Xaafid. Jiijiidida iyo qurxinta codka marka la akhrinayo Quraanka waxaa loo yaqaanaa towjiid. Si kastaba ha ahaatee, bisha Ramadaan dadka muslimiinta ahi waxay dhamaystiraan akhrinta dhamaan Quraanka ayagoo ku tukanaya salaada tarawiixda.

Tafsiir Quraan MP3 Af Soomaali Quraanka Kariimka(圖8)-速報App